4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Banaanbaxyo lagu taageerayo heshiiskii Dekadda Berbera oo Somaliland ka dhacay


Khamiis, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Dadweynaha ku nool goboladda Somaliland ayaa maanta iskugu soo baxay banaanbaxyo ay ku taageerayaan madaxweynaha Somaliland iyo heshiishka Saddex geesoodka ee dekadda Berbera.

Saaka waxa magaalada Hargeysa lagu waaberiistay makarofoonno baabuur lagu xidhay oo heeso wadani saaran yihiin, taas oo dadweynaha loogu sheegayey inay taageeraan heshiishka Dp World la gashay Somaliland iyo sida ay uga soo horjeedaan hadaladii ka soobaxay madaxda sare ee Soomaaliya.

Banaanbaxyadana ayaa dadweynuhu ku dhawaaqayeen in Soomaaliya shacabka Somaliland u ogoleen wax horumar ah,isla markaana caalamka u dariyeen fariin ah inay Somaliland tahay dal madax banaan.

Banaanbaxyadan ayaa saaka ka dhacay gobolada Awdal, Togdheer iyo Maroodi jeex, kuwaas oo shacab badani iskugu soo baxeen beerta xoriyadda ee magaalooyinka waaweyn.

Dadweynahan samaynayay banaan-baxyada ee marayay jidadka halbowlayaasha u ah magaalooyinka Somaliiland ayaa ku dhawaaqay Farmaajo dooni meyno Somaliland ha noolaato, Farmaajo ha dhaco kheyre doonimeyno iyo erayo kale oo ka soo horjeeda haladii ka soo yeedhay madaxda Soomaaliya.

Boodhadhka dadku ay wateen ee ay dariiqyada la marayeen ayaa waxaa ku xardhana waanu taageersanahay hishiiska saddex geeesoodka ah ee Somaliland, DP.World iyo Itoobiya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.