Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
kulan kula yeeshay magaalada Abu Dhabi ra’iisul wasaare ku-xigeenka Imaaraadka
Carabta ahna Wasiirka Madaxtooyada Sheekh Mansoor Bin Zayed.
Labada masuul ayaa kulankooda waxaa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin
lahaa xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Somaliland, xilli ay taagan
tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii Dekada Berbera.
“Kulankeena waxaa uu ahaa mid an uga
wadahadalnay wadasha-qeynta labadeena iyo sidii loo xoojin lahaa oo ujeedka
safarkeena ee Imaaraadka uu ku qotomay, waxaana uu ku dhamaaday isf-afgarad”
ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.
Booqashada madaxweynaha Somaliland ayaa imaneysa xili kaddib go’aankii
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu dalka kaga mamnuucay shirkada DP World ee
laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi ku
jira, iyadoo la rumeysan yahay in arrimaha socda ay qeyb ka yihiin xiisada
Khaliijka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]