4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Aqalka sare oo mar kale maanta u fadhiya ka doodista xeerka Golaha Shacabka uu ka soo saaray shirkadda DP World

 

Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL) - Waa kulankii labaad ee xildhibaannada Aqalka sare Kalfadhigoodii saddexaad, waxaana jooga oo fadhiya  kooromkii loogu tala-galay.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa halkoodii ka sii wadaya doodda la xiriirta go'aanka laga qaadanayo Shirkadda DP World oo maalintii shalay ay isku fahmi waayeen mudanayaasha .

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalin ka hor loo qeybiyay Xeerkii ay Todobaadkan bilowgiisa meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.

Fadhigan xildhibaannada Aqalka sare ayaa imanaya xili uu labo garab u kala jabay Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kala qeybsamay Mooshin laga keenay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]