4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Xukuumadda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay Baarlamaanka kala qeybineyso

 

Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)-Iyadoo aad moodo in uu cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhashay Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari, ayaa waxaa soo baxaya eedeymo loo jeedinayo Xukuumadda Soomaaliya oo la xiriira kala qeybsanaanta baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Abuukaate oo ka tirsan xildibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhamaan golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya saxiixeen mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha baarlamaanka, isaga oo arintaan ku eedeeyay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

‘’Kala qeybsanaanta iyo Mooshinka intaba waxaa mas’uul ka ah xukuumadda,’’ ayuu yiri Xildhibaanka.

Wuxuu sheegey in Mooshinka lagu soo beegay kaddib markii xildhibaannada Baarlamaanku codka kalsoonida siiyeen go’aankii dalka looga mamnuucay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isku taga Imaaraadka Carabta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]