4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Libya oo amartay in la soo xiro koox ku eedeysan tahriibinta dadka

 

Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL) - Dowladda Libya ayaa amartay xarigga 205 qof oo u isugu jira dad u dhashay dalkaasi iyo ajaanib looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen shabakad dadka u tahriibisa Yurub.

Eedeymaha loo haysto dadkan ayaa isugu jira Tanriibinta dadka, Jirdil, Dil iyo Kufsi.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Libya ayaa sheegay in shabakaddu ay ka tirsan yihiin xubno laamaha ammaanka ka howlgala, madaxda xeryaha lagu hayo tahriibayaasha, iyo saraakiil ka tirsan safaaradaha Africa ee Libya.

Libya ayaa ku jirta xaalad qasan tan iyo intii uu dhacay xukunkii Muammar Gaddafi sanadkii 2011.

Awoodda dalka ayaa waxaa haya maleeshiyo kala duwan iyo labo dowladood oo mucaarad ah, taas oo suurto gelisay in howlaha sharci darrada ah ay ka dhaqan galaan dalkaas.

Dalkaasi ayaa noqoday udub dhexaadka boqollaal kun oo tahriibayaal ka soo jeeda waddamada saxaraha ka hooseeya oo isku dayaya inay gaaraan Yurub iyagoo badda sii maraya.

Baaritaannada shabakadda dadka tahriibisa ayay Libya kala kaashatay Talyaaniga.

Agaasimaha xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee baaritaannada, Seddik al-Sour, ayaa sheegay in saraakiil badan oo ka tirsan waaxda socdaalka lagu helay inay ku lug leeyihiin shabakaddan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]