4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Xildhibaanno ka hor yimid go’aankii guddiga joogtada uu ku laaley mooshinka

 

Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo shir ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa arin sharci darro ah ku tilmaamay go’aankii guddiga joogtada ee baarlamaanka uu ku laaley mooshinkii laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Jawaari.

Qodobada xildhibaanadan ay ku eedeeyeen Guddoomiye (Jawaari) waxaa ka mid ah xil gudasho la’aan, ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ah xildhibaannada saxiixay mooshinka ayaa sheegy in looga baahan yahay guud ahaanba baarlamaanka ku dhaqan sharciga iyo dastuurka dalka, isaga oo go’aankii guddiga joogtada ee Baarlamaanka ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan.

Waxaa sidoo kale isagana warbaahinta la hadlay Xildhibaan Cabdi Cali oo sheegay in Jawaari uusan shir guddoomin karin kulamada baarlamaanta inta go’aanka laga gaarayo mooshinka laga keenay.

“Guddi joogtana go’aan kama gaari karaan Mooshinka, Jawaari-na Guddoomiye uma ahan Golaha shacabka, inta Mooshinka yaalla go’aan laga gaarayo, ” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali.

Madaxda ugu sareysa dalka wali kama aysan hadal khilaafka soo kala dhaxgalay baarlamaanka Soomaaliya oo ah hay’adda ugu sareysa ee sharci dajinta ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]