4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Prof Jawaari : Xildhibaannada ha ilaaliyaan midnimada mooshinkiina halkaa ayuu ku buray

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ka hadlay mooshin ay ka soo gudbiyeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada baarlamaanka, isaga oo dhinaca kalana sheegay in Mooshinkii laga keenay uu buray.

‘’Sabtida wixii ka danbeeyay waxaa bilaaban doonaan howlaheennii caadiga ahaa ee baarlamaanka iyo in aan ka doodno sharuucda na hortaala, xildhibaannada waxaa leeyahay aan ilaalino midnimada iyo wada shaqeynta baarlamaanka mooshinkiina halkaa ayuu ku buray’’ ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Wuxuu sheegay in arintan ay tusineyso Dimuquraadiyada dalka ka jirta, isaga oo sheegay in xildhibaannada mooshinka ka keenay in ay mareen dariiqii saxda ah oo sida uu hadalka u dhigay uuna ku amaanayo.

‘’ Waxba xumaan ah ma jirto, arintan waxaa ay na tusineysaa Dimuquraadiyada dalka ka jirta, marka xildhibaannadii mooshinka keenay iyo kuwii kale ee ayiday intaba waa ay ku amaanan yihiin, madaama ay adeegsadeen Agabkii loo baahnaa ayuu yiri’’ Prof Jawaari.

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayuu uga mahad celiyay waajibaadka ay ka guteen mooshinka laga keenay, kaddib markii fadhi ay maanta ku yeesheen Muqdisho ka saareen go’aanka ah in uu dhinaca sharciga ku buray mooshinkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]