4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Xildhibaanno iska soo horjeeda oo kulamo ku leh magaalada Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) – Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay mooshin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka gudbiyeen guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Saacadihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka soconayay kulamo iska soo horjeeda oo ay leeyihiin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kuwaa oo qaarkood taageersan mooshinka, halka kuwa kalana ay ka soo horjeedaan, kuna eedeynayaan xafiiska ra’iisal wasaaraha in laga soo abaabulay mooshinka laga gudbiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ma’aha markii ugu horeysay oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya sidan oo kale mooshin ka keenaan guddoomiye Jawaari, hasse ahaatee abaabul xoogan oo xalay dhacay ayaa keenay in subaxnimadii hore ee saakay ku waabariistaan xildhibaannada arintan, waxaana lagu waramayaa in xilldhibaannadan saxiixay ka badan yihiin 100 mudane.

Warar xog ogaal ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhinaca kale xildhibaannada taageersan Prof Jawaari wadaan abaabulka mooshin ka dhan ah ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, laakiin lama oga sida uu sharci ku noqon karo mooshinkan danbe, madaama sharcigu dhigayo in aan mooshin yeela golaha baarlamaanka aan laga dul keeni Karin mid kale.

Dad badan ayaa is weydiinaya waxaa soo dadajiyay go’aanka xildhibaannada ee kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo dad badani u fasirayaan in aysan ka marneyn arrimo siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin dhinacyo kale oo ka baxsan baarlamaanka.

Saacadaha soo socda ayaa laga war –sugayaan go’aanka uu arintan ka qaato guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari uu kulamo kala duwan la yeeshay xildhibaannada isaga taageersan.

Mooshinka ayaa imanaya Afar cisho uun kaddib markii uu madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si rasmi ah u furay Kalfadhigga Saddexaad ee Gollaha Shacabka.

In xilka laga qaado guddoomiyaha baarlamaanka ayaa u baahan saddex-meelood laba, aqalka hoose ee baarlamaanka oo ka kooban 275 xubin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]