Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya
Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka qeybgalay munaasabad ay heshiis kula
saxiixanayeen maamulka gobolka Banaadir, sidoo kale waxaa munaasabada ka
qeybgalay guddoomiyaha gobolka Banadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow.
Heshiiskan ayaa dhigaya in maamulka gobolka Benaadir lagu wareejiyo gacan ku
heynta iskuulka 15ka May ee magaalada Muqdisho oo dhawaan dib loo furay.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in iskuulkan uu qeyb weyn ka soo qaatay
waxbarashada kumanaan shacab ah oo ku dhaqnaa gobolka Benaadir xiigii Kacaankii
haatanna dib loo furay kaddib dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyey.
“Iskuulkan waxaa uu ka mid ahaa goobihii ku tilmaamnaa waxbarashada
asasaasiga oo haatan aan ku dadaaleyno sidii aan dib ugu soo nooleyn lahayn,
gaar ahaan in aan soo celinno fursadaha waxbarashada bilaashka ah ee tacliinta
asaasiga.”
Yariisoow waxaa uu sheegay in la qorsheynayey in sannad dugsiyeedkan lagu
bilaabo furitaanka dugsiga 15ka May 60 arday oo kaliya, balse muddada saddexda
todobaad ah ee uu furanyahay la diiwaan geliyey arday kor u dhaafeysa 600 oo
arday, taas oo ka tarjumeysa baahida loo qabo dib u soo nooleynta tacliinta
bilaashka ah ee ay ku tiirsanyihiin qooysaska danyarta ah.
Waxaa uu uga mahad celiyay dawladda Masar kaalinta ay ka qaadatay dib u
furitaanka dugsigan, isagoona ugu baaqay in ay soo kordhiyaan tirada
macalimiinta haatan wax ka dhiga dugsigan si loo buuxiyo baahida ay sababtay
tirada ardayda dheeraadka ah ee la diiwaan geliyey.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]