Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)- Mudanayaasha golaha Aqalka sare ee Soomaliya
ayaa lagu wadaa in fadhigooda ay maanta uga doodaan xeerkii maalin ka hor soo meelmariyeen
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda
DP World.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay
dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay
sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.
Fahidhigoodii maalintii shaley ayeey
u suurtagalin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World, maadaama ay ka
hadleen weerarkii lagu qaaday Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), balse maanta ayay
mar kale ka doodayaan arrinta DP World.
Xeerkan ayaa haddii ay meel mariyaan Xildhibaannada Aqalka sare waxaa uu u
gudbi doonaan madaxweyaha Soomaaliya madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi
kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka.
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah
Dawladda Federaalka, wuxuuna leeyahay masuuliyad sharci-dejin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]