4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Muuse Biixi oo safar aan la sii shaacin ugu anbabaxay dalka Imaaraadka Carabta

 

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan la sii shaacin ugu anbabaxay maanta dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

Biixi waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliland oo ay ka mid yihiin WasiirkaArrimaha dibedda, Qorshaynta, Ciyaaraha, Arrimaha Distuurka iyo Biyaha; iyo sidoo kale, guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Saxaafadda lama uusan hadal, laakiin booqashadiisa ayaa imaneysa xili uu cirka isku sii shareeray khilaafka ba’an ee ka taagan heshiiska dekedda Berbera, kaasoo hadda u muuqda mid sii xumeeyay xiriirka dhinaca Diplumaasiyada ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, kaddib markii shirkadda DP World ay ku eedeysan dowladda federaalka in ay ku xadgudubtay Siyaaddada iyo Qarannimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan digniin u diray shirkaddaha iyo dowladda shisheeye ee sida uu hadalka u dhigay doonaya in ay ku xadgudbaan Qarannimada Soomaaliya, laakiin si gaar ah madaxweynuhu uma uusan soo hadal qaadin shirkadda DP World iyo arinta dekedda Berbera.

Laakiin Baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii shalay fadhi ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa gabi ahaanba sharci daro ku tilmaamey heshiiskii Berbera ee saddex geesoodka ahaa, sidoo kalana baarlamaanku waxaa uu shirkadda DP World ka mamnuucay in ay ka howlgasho gabi’ahaanba dalka Soomaaliya.

Golaha Wakiilada Somaliland oo iyaguna maanta fariistay magaalada Hargeysa ayaa sharci ku tilmaamay heshiiska Berbera Baarlamaanka Soomaaliyana waxba ka quseyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]