4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2018
Somaliland oo laga joojiyey boqol dolar wixii ka yar in lacagta Electronic Mobile wax lagu kala iibsado

 

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) – Maanta oo ay bishu tahay March 13-keedii ayaa waxa ku beegant ahay maalintii ugu dambaysay ee gabi ahaanba la joojinanayey adeega lacagta Mobile-ka la iskugu diro boqol dollar wixii ka yar iyo sarifka ay isticmaalaan shirkadaha waaweyn ee Dahabshiil, Telesom iyo Oomaar.

Guddida kor u qaadidda Qiimaha Shiling Somaliland iyo wax ka qabashada sicir bararka Sarifka lacagta ayaa go’aan ka soo saaray isticmaalka lacagta Mobile-ka lagu shubto ee dollar ah oo ay shirkadaha adeegaasi leh ka joojisay boqol dollar wixii ka yar in aan lagu tukaamaysan Karin, maadaama oo uu hoos u dhacay qiimihii shilingka Somaliland oo dadkii baddi isticmaalaan lacag dollar ah taas oo keentay inuu qiimihii dolarku kor u kaco.

Baanka Dhexe Somaliland ayaa sheegay in ay maanta ku eeg tahay isticmaalka adeega Zaad-ka iyo Edahabka wixii boqol ka yar, waxaanu tilmaamay in codsi uga yimid shirkadahan ay wakhti kooban siiyeen in dadka lacagta ugu jirta ku dhex sarifan karaan mobilekoodda mudadaasi oo ka xidhmi doonno 14-ka March oo hal maalin loogu diray wakhtigii la xidhi lahaa.

Shirkadaha Dahabshiil iyo Oomaar ayaa iyagu soo dhoweeyey go’aan,isla markaaana sheegay inay tixgalinayaaan qiimaha sarifka loo yeelayo, isla markaana aanay sarif ka dhex samayn doonin mobile-ka si aanay meesha uga bixin sarifleyaasha.

Shirkadda Teleosm ayaa iyadu soo kordhisay adeeg cusub oo Mobile-ka ku dhex sarifan kartid lacagta dollar ah ee kugu jirta, taas oo walaac ka muujiyeen sarifleyaashii oo sheegay in shirkadu doonayso inay kaalintoodii buuxiso, taas oo hadii loo ogolaado ay xuseen inay ganacstada yaryar ee sarifku meesha ka baxayso.

Inkastoo xukuumaddu go’aanka ay soo saartay ay ku jirtay in shirkadaha waaweyn ee Dahabshiil, Telesom iyo Oomaar laga joojiyey qaybtii sarifka ee ay lahaayeen, heseyeeshee waxa la eegaya in adeegan cusub ee mobileka lagu dhex sarifiyo in ay xuikuumadud ogolaado iyo in laga diido.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.