4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Aqalka Sare oo guddi u saaray weerarkii Guriga Senator CabdiQeybdiid

 

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL)- Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday Qodob ku aadan Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid December 30, 2017.

Dooda Kulankan oo soctay mudo Saacado ah ayaa ugu dambeyntii Xildhibaanada Aqalka Sare ay soo jeediyeen in loo saaro guddi, maadaama Xildhibaan Cabdi Qeybdiid uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn Guddigii uu Madaxweyne Farmaajo uu u xilsaaray Kiiskiisa.

Qeybdiid, oo Mudanayaasha ka hor hadlay ayaa waxaa uu Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarka gurigiisa ka dambeysay, isagana dhanka kale soo jeediyay in Natiijada Baaritaanka lawado wixii ka soo baxo lala wadaago baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maanta Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 3aad ee Aqalka Sare waxaa soo xaadiray 28 Xildhibaan, 23 ka mid ah waxaa ay u codeeyeen in guddi loo saaro arrinta weerarka Guriga Cabdiqeybdiid, 4 Senator-ka waxa ay u codeeyeen in Ra’isul wasaaraha loo yeero halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Senatorrada Golaha Aqalka Sare ayaa hadda wado ka doodistay Xeerka Shirkadda DP World.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia