4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Madasha Talo -Wadaag oo soo dhaweysay go'aankii Baarlamaanka Soomaaliya

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) - Madasha Talo Wadaag oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin horay xilal u soo qabtay ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada uu dalka ku jiro.

Waxaa ay madasha soo dhaweysay xeerka Baarlamaanka Federaalka uu soo saaray ee dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World, isla markaana waxba kama jiraan laga soo qaaday dhamaan heshiisyadii shirkaddu gashay.

Madasha ayaa dhinaca kale ugu baaqdayy Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha in la hirgeliyo go’aankii Baarlamaanka, lagula xisaabtamo Xukuumadda meel marinta go’aankaas.

Akhriso Qoraalka madasha Tallo-Wadaag :