4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2018
Aqalka Sare oo maanta ka doodaya arinta Shirkadda DP World

 

Talaado, Maarso, 13, 2018 (HOL) - Xildhibaanada  Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta Kalfadhiga 3aad kulankiisa koobaad ku leh xarunta ay ku shiraan ee magaladda Muqdisho sida qaar ka mid ah xildhibaannada u sheegeen warbaahinta.

Kulanka maanta ee xubnaha Aqalka Sare ayaa waxaa looga doodi doonaa dhowr Ajande waxaana ugu weyn xeerka dhowridda gobonimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya kaa oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka meel mariyeen islamarkana dalka looga mamnuucay Shirrkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutagga-Imaaraadka Carabta.

Xildhibaannada Aqalka sare ayaa laga sugayaa in ay ansixiyaan xeerka oo kaddibna loo gudbin doona madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]