4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Prof Jawaari : Shirkad in ay u Gafto Qarannimada Soomaaliya wax la qaadan karo ma’aha

 

Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo khubad ka jeedinayay fadhiggii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa si adag uga horyimid talaabada shirkadda DP World oo sida uu tilmaamay ah mid dhaawaceysa Siyaaddada iyo Qarannimada Umadda Soomaaliyeed.

‘’Shacabka Soomaaliyeed iyo golaha baarlamaanka intaba mid diidan ma jiro hormarka iyo baraaraha gobol Soomaaliyeed, in uu maalgashi sameysto in uu hormar gaaro, dhaqaalihiisu uu kobco, nabadiisu hagaagto, hasse ahaatee Nuxurka meesha yaala ayaa ah marka heshiisyo noocan oo kale ah galayo waxaa loo baahan yahay in la soo maro marinkii ku haboonnaa’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in shirkadda DP World ay baal martay sida uu hadalka u dhigay habka caalamiga ah ee heshiisyada loo galo isaga oo yiri’’ Tallaabada ay qaaday shirkadda waa mid taabaneysa Siyaaddada Qaranka, Badqabka Dhulka, waa arin bareer ah in Shirkad ay ku hadasho erayada qaarkood una Gafto Jamhuuriyada Soomaaliya mana aha wax la qaadan  karo.

Prof Jawaari ayaa ugu danbeyntii sheegay in aysan weerar ku aheyd dowladda Imaaraadka Carabta, laakiin habka ay u dhaqantay shirkadda DP World ayuu sheegay in aan la aqbali karin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]