4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Ilaalada madaxtooyada oo rasaas ku furtay gaari uu lahaa hanti-dhowrka guud ee Qaranka

Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) -Ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ee fariisinka ku leh agagaarka Isgoyska Taalada Sayidka ayaa maanta barqadii rasaas ku furay gaari uu lahaa Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye.

Gaariga oo ahaa nooca aysan rasaastu karin ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu xoog ku maro halka ciidamada ku sugnaayeen, hasse ahaatee darawalku iska dhaga-mariyay amar ay ciidamadu ku siiyeen in uu istaago.

Ilaalada ayaa la sheegay markii danbe Taayarada ka toogteen gaariga, waxaana darawalkii waday uu isku xiray albaabada isaga oo diiday in uu soo dego.

Waxaa la sheegey in waqtigaas uusan la socon Hanti-Dhowraha Qaranka Maxamed Cali Afgooye, waxaana dhacdadan ay aheyd mida ugu hadal heynta badan ee saaka magaalada la isla dhex marayay.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa sare loo qaaday guud ahaan sugida amniga Muqdisho, gaar ahaan xarunta madaxtooyada oo horaantii bishan koox hubeysan isku dayeen in ay gudaha u galleen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]