4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Amar Al-shabaab ay ku soo rogeen garoomada lagu cayaaro Kubadda

 

Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Dhawaan waxaa soo baxay warar sheegaya in Al-shabaab ku amreen milkiilayaasha garoomada Salaxa ah ee xiliyada habeenkii lagu cayaaro Kubadda Cagta, ayaa waxaa arintaa jawaab ka bixisay Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay maamusho dowladda Soomaaliya, sidaa daraadeed uusan ka dhaqan gali karin amarada Al-shabaab, isaga oo uga digay milkiilayaasha garoomada in ay u hogaasamaan fariimaha uga imanaya Al-shabaab.

‘’Muqdisho dowladda Soomaaliya ayaa maamusha, ma aqbaleyno in milkiilayaasha garoomada lagu cayaaro kubadda xiliyada habeenkii u hogaasamaan amarka Al-shabaab, cid kasta oo amarka noocaa ah fulisa waxaan u arkeynaa in ay ka soo horjeedo dadaallada dowladdu ugu jirto sidii kooxahaasi looga adkaan lahaa’’ ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan.

Dadka degmooyinka, Dayniile, Yaaqshiid, Kaxda Iyo Heliwaa, ayaa sheegay in Al-shabaab mamnuceen in lagu cayaaro garoomadda yar yare ee macmalka ah ee xiliyada habeenkii dhalinyaradu isku balansadaan, kuwaa oo u shaqeeya hab ganacsi ah oo kooxaha habeenkaa cayaaraya laga qaado lacago go’an.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]