4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Iska horimaad xalay ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir

 

Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) –Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay iska horimaad xalay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kaddib markii ciidamo uu horkacayay Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda ay weerar ku qaadeen Qabuuraha degmada Kaxda ee loo yaqaano Boqolka Boos, halkaasoo ay ku sugnaayeen koox hubeysan oo ka tirsan Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka uu jawaab u ahaa Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo shalay gelinkii dambe lagu dilay Kaxda, kaasoo laga qaatay qorigii uu watay.

Dadka ku dhaqan degmada Kaxda ayaa sheegaya in ay xalay maqlayeen rasaas culus oo ka dhacayay dhanka qabuuraha degmada, iyagoo ay soo wajahday cabsi.

Xaalada degmada Kaxda ayaa saaka degan, waxaana isu socodka iyo ganacsiga deegaanka uu yahay mid caadi u socda oo aan wax saameyn ku yeelan iska hor imaadkii xalay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]