4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 12, 2018
Putin oo la sheegay in uu lahaa amarkii lagu soo riday diyaarad sidey 110 qof

 

Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in uu isaga shaqsiyan amray in lasoo rido diyaarad shacab ah sanadkii 2014-kii, maadaamaa ay wadday bam lagu qarxin lahaa ciyaarihii olimbikada magaalada Sochi ee dalkaasi ka dhacayay.

Filim soconaya muddo 2 saacadood ah oo Putin laga duubay, lana soo dhigay Internetka ayuu ku sheegay in lagu wargaliyay in diyaarad ka timid Ukrain, una socotay Turkiga, balse lasoo afduubay , lana doonayay in lagu qarxiyo ciyaarihii magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Balse waxa ay ahayd xog been abuur ah, diyaaradiina lama soo ridin markii dambe.

Filimkan ayaa waxa uu soo baxayaa waxyar ka hor inta aanan la galin doorashada madaxtinimo ee dhacaysa 18-ka bishan March.

Duuliyeyaasha diyaaradda Turkish Pegasus oo nooceedu ahaa Boeing 727-800 ayaa soo tabiyay in qof rakaab ah uu wato bam, diyaaradana uu ku amray in diyaarada meel kale loo weeciyo.

Putin ayaa sheegay in saraakiisa sirdoonka ay u sheegeen in nidaamka uu yahay in haddii xaalad tan oo kale ay soo kororto in ay qasab tahay in diyaaradda lasoo rido, kadibna uu amar ku bixiyay in lasoo rido diyaaradda oo ay saarnaayeen 110 qof oo shacab ah.

Daqiiqado kadib ayuu heley taleefoon loogu sheegay in qeylo dhaanta ay ahayd mid been abuur ah.

Dhanka kale mar wax laga weeydiiyay in gobolka Cremea uu ku celin doono dalka Ukrain ayuu si adag uga jawaabay, sheegayna in aysan waligeed taasi dhici doonin.

Putin oo taariikhda reerkiisa ka hadlayay ayaa sheegay in isaga awoowgiis uu cunto kariye u ahaan jirey labo madaxweyne oo Ruushka soo maray oo kala ah Vladamir Lenin iyo Joseph Stalin.

Spiridon Putin ayaa geeriyooday sanadkii 1965, xiligaas oo 86 jir ahaa.

Xigashada Warkan BBC