3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Dowladda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigtay qorshaha AMISOM lagala wareegayo amniga dalka

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyay kulan dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigeysay Beesha Caalamka Qorsha ciidamada  nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya,xubno matalayey Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay AMISOM ugala wareegayaan amaanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato.

“Muddo bil ku dhow waxaa la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa intaasi ku daray in qorshahaan loo arkay mid muhiim ah islamarkaana iminka wixii ka dambeeya loo gudbi doono wixii farsamo ah.

“Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogoladay” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahaan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan in AMISOM lagala wareego amniga oo si buuxda ciidanka qalabka sida ay masuuliyadda amni u maamulaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/11/2018 12:04 PM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Saadaq Cabdullaahi Cabdi.

3/11/2018 10:40 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Domain-kii Internetka loo isticmaali jirey Internetka ee Soomaaliya muddo sodan cisho ah lagu bedelo Domain madax banaan.

3/11/2018 9:49 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Somaliland ayaa maanta soo saartay amar ay kaga mamnuucayso jaamacadaha, shirkadaha, bangiyada, urururrada maxalliga ah iyo kuwa dawliga ah inay adeegsadaan cinwaanka internetka ee Sooomaaliya dotSO.

3/11/2018 9:49 AM EST
Axad, Maarso,11, 2018 (HOL)–Maamulka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta goob fagaare ah ku gubay qaad ganacsi ahaan loo keenay magaalada Baladxaawo, kadib markii laba maalin kahor uu maamulku amar ku bixiyay in dadka iyo gaadiidkuba aysan ka talaabi karin soohdinta u dhexeeysa Baladxaawo iyo Mandheera.

3/11/2018 7:40 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa shaqada ka joojiyey Agaasimiha Waaxda Farsamada iyo farsamo yaqaanno ka tirsan waaxdaas oo si sharci darro ah dhul waddo ah ugu cabiray dad rayid ah.

3/11/2018 6:22 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka dhan ah Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya oo ku aadan canshuur kordhinta waxaa ay u gudbiyeen Gudoonka labada Aqal ee Baarkamaanka Federaalka.

3/11/2018 5:42 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) - Waxaa wali xiran xadka ay wadaagaan degmooyinka Mandera iyo Beled-Xaawo ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan in arintan dhibaato weyn ku qabaan ganacsatada Qaadka oo maalintii labaad ganacsigoodu xayiran yahay.

3/11/2018 5:12 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan maqaamka caasimada.

3/11/2018 1:14 AM EST
Axad, Maarso,11, 2018 (HOL)–Dowladda Suuriya ayaa guulo ka gaartay dadaallada ay ugu jiraan qabsashada Bariga Ghouta ee ay mucaaradku haystaan, sida ay wararku sheegayaan.

3/11/2018 1:03 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa la kulmay ayaa la kulmay madaxweynaha dalkaas Hindiya Ram Nath Kovind, Ku-xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo ra’iisal wasaaraha dalka Narendra Modi

3/11/2018 12:48 AM EST
Axad, Maarso,11, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay soo gaarayeen dacwado iyo cabasho uga imanayay Maxkamadaha iyo Garsoorka dalka.

3/11/2018 12:31 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha maamulka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa codsaday in gacan laga siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, madaama ayuu yiri bilihii ugu danbeeyay Al-shabaab weerarro culus ka geysanayeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

3/11/2018 12:19 AM EST
Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) -Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in 250,000 oo qof ay ku barakaceen iskahorimaadyadii ka dhacay Bilihii lasoo dhaafay xudduudaha Oromiya iyo dawlad degaanka Soomaalida.