4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
DAAWO: Qaad lagu gubay Baladxaawo iyo isu socodka Baladxaawo iyo Mandheera oo xiran maalintii sedexaad
Axad, Maarso,11, 2018 (HOL)–Maamulka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta goob fagaare ah ku gubay qaad ganacsi ahaan loo keenay magaalada Baladxaawo, kadib markii laba maalin kahor uu maamulku amar ku bixiyay in dadka iyo gaadiidkuba aysan ka talaabi karin soohdinta u dhexeeysa Baladxaawo iyo Mandheera.

Arrintan ayaa ka danbeeysay kadib markii dowladda Kenya ay ciidamo soo dhoobtay xuduuda kuwaa oo shacabka doonaya in ay galaan ama ka baxaan Mandheera dhibaatooyin ay kala kulmayeen, dhibaatooyinkaa oo isugu jiray xarig iyo in dib loo celiyo.

Gudoomiyaha degmada Baladxaawo Max'uud Xayd Cismaan ayaa shabakadda HOL u sheegay in sababaha ay u xireen xuduudda dhanka Baladxaawo ay tahay kadib markii Kenya ay diiday in loo gudbo dalkeeda, ayadoo ay jiraan ganacsiyo galaya iyo kuwa ka imanayay dalkaasi.

Gudoomiyaha ayaa xusay in ay doonayaan in dhankooda ay joojiyaan Qaadkii ka iman jiray Kenya iyo Badeecooyinkii gali jirayba.

Waxa uu xusay in labada magaalo ay kala xirnaan doonaan inta dowladda Kenya ay kala imaaneeyso qorshe ka badalan kan hadda ka taagan xuduudda labada magaalo ee kala tirsan Soomaaliya iyo Kenya.

Halkan hoose ka daawo: Qaad lagu gubay Baladxaawo kadib markii uu kasoo talaabay xuduudda.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.