Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) -
Waxaa wali xiran xadka ay wadaagaan
degmooyinka Mandera iyo Beled-Xaawo ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana
wararku sheegayaan in arintan dhibaato weyn ku qabaan ganacsatada Qaadka oo
maalintii labaad ganacsigoodu xayiran yahay.
Sidoo kale waxaa la joojiyay Qaadkii ka imaanayay dhanka Kenya, iyadoo
shalay maamulka deegaanka, iyadoo degmada Beled-Xaawo lagu gudbay Qaad la
sheegay in si sharci daro ah looga tallaabiyay dhinaca Xadka.
Mas’uul ka tirsan Maamulka Beled-Xaawo ayaa sheegay in wali Kenya ay Wado
xad-gudubyo ka dhac ah dhulka ay Soomaaliya la wadaagto..
Dowladda Kenya ayaa marar badan oo hore ku celcelisay kooxaha amaan darada
ka geysta gobolka Waqooyi bari ka soo talaabaan xadka ay la wadaagaan
Soomaaliya, taasoo keentay ay bilaawdo dhismaha darbi la sheegay in lagu
xaqiijinayo nabad-galyada Xaduudda, waxaana uu dhismaha darbigaa khilaaf adag
ka dhex-abuuray shacabka labada dhinac.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]