4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Duqa Muqdisho oo ka hadlay arinta ku saabsan maqaamka gobolka Banaadir

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan maqaamka caasimada.

Isaga oo ka hor hadlayay munaasabadii furitaanka Kalfadhigii saddexaad ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay dadka ku nool gobolka Banaadir inay u baahan yihiin helida xuquuqda matalaada siyaasadeed ee ay dalka ku leeyihiin.

Gudoomiye Yariisow, ayaa wuxuu tilmaamay maqaamka caasimada oo ku yimaada arrin Dastuuri ah in ay tahay waxa ay u baahan yihiin bulshada gobolka Banaadir ku nool.

“ Waxaan dalbaneynaa Xuquuqdii ay lahaayeen bulshada ku dhaqan gobolka , gobolka Banaadir wuxuu la mid yahay gobolada dalka, sidaasi daraadeed waxaa ay rabaan matalaad in ay ku helaan Aqalka Sare, waxa ay rabaan maqaamka in la dadajiyo, Anagana waxaan codsaneynaa bacdamaa Dastuurka uu qeexayo qodobka 9aad, Maqaam ku yimid si hab Dastuuri ah ku yimid si madaxda Qaranka iyo dhamaan Shacabka lagala tashtay”ayuu yiri Yariisoow

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa sheegay in bulshada dhibaato adag ku qabaan xirnaanshaha Waddooyinka magaalada xilliyada ay Baarlamaanka shirayaan.

Waxaa uu ka dalbaday ugu danbeyntii xubnaha Golaha Shacabka in Wadooyinka aanan laga xiran shacabka Soomaaliyeed si isu socodka dadka iyo gaadiidka uu caadi ku noqdo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]