4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in deg deg wax looga qabanayo cabashada Garsoorka dalka

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay soo gaarayeen dacwado iyo cabasho uga imanayay Maxkamadaha iyo Garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed hellaan Garsoorka iyo Cadaalad lagu kalsoonaan karo, madaama Cadaalladu ku xiran tahay hormar laga sameeyo dhinacyada Amniga iyo xasilinta dalka.

‘’Waxaa ii soo dhamaantay daraasad aan muddo dheerba ku hayay Cadaallada iyo Garsoorka dalka, waxaana la gaaray waqtigii la sixi lahaa, dhawaanna waxaa jiri doona isbadal arintan ku saabsan’’ ayuu yiri madaweynaha oo khudbad ka horjeedinayay xildhibaannada labada Aqal.

Muddo dheerba waxaa oo jiitamayay dhaliilo iyo eedeymo dusha looga tuurayay habka ay shaqeeyaan laamaha Garsoorka iyo Maxkamada dalka, gaar ahaan dacwadaha la xiriira muranka dhulka oo dhibaato weyn ay ka taagan tahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]