4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Hirshabeelle oo codsatay in gacan laga siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha maamulka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa codsaday in gacan laga siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, madaama ayuu yiri bilihii ugu danbeeyay Al-shabaab weerarro culus ka geysanayeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiye Barre ayaa intaa ku darray in ay hadda adag tahay isku socodka waddada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo meelaha qaar fariisimo ka dhigtaan xoogagga Al-shabaab.

‘’Dowladda Soomaaliya waxaa ka codsaneynaa in ay gacan naga siiso dagaalka Al-shabaab oo fariisimo cusub ka sameystay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in ay hareereeyeen deegaannada uu maamulka ka arrimiyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo isaga kala yimid qeybaha kala duwan ee dalka, taasoo ka dhigeysa mid ka baxsan awood maamulka, loona baahan yahay dowladda federaalka in ay arintan gacan ka geysato.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe xoojiyay weerarrada ay ka geysanayaan deegaanada Hirshabeelle, waxaana labadii todobaad ee la soo dhafay weerar ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihin Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]