Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobolleedyada oo isku raacay mideynta canshuuraha
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) – Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada
Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada
ayaa kaga hadlay dar-dargelinta arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha dalka
iyo sidii loo midayn lahaa,iyagoo maanta si gaar ah uga wada hadlay kana
heshiiyay mideynta casnhuuraha gadista.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle
oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa faah faahiyay go’aanadii ka soo
baxay shirkooda.
“Ajandaha maanta waxaa uu ahaa in aan isla garanno wixii inooga hirgalay
heshiisyadii hore,gaar ahaan waxaan aad uga wada hadalnay canshuuraha iyo Maliyadda
dalka oo mas’uuliyadeyna ah, hanoqoto gobolka Banaadir ama gobolada kale ee
xubinta ka ah Federaalka,waxaa kale oo maanta aan isla garannay sidii loo
midayn lahaa canshuuraha qaarkood gaar ahaan canshuuraha gadista,waxaa
kaloo aan isla-garanay in khayraadka iyo qeybtooda iyo sidii loogu talagalay
aan ku heshiinay anaguna raacsanahay,dowlad goboleedyada iyo Gobolka
Banaadir sidii la isugu keeni lahaa mustaqbalka ayaan ka wada hadalnay iyo in
Baarlamaanka aan hor geyno sharciga canshuuraha dalka oo midaysan”.Ayuu yiri
Wasiir Beyle.
Kulanka ayaa daba socda shirar ka
horeeyey oo ku saabsan mideynta hanaanka qaadista canshuuraha noocyadoodi kala
duwan ee dalka, kaasi oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]