4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
Khudbadii Jawaari ee furitaanka Kalfadhigii 3aad ee baarlamaanka Soomaaliya

 

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliyeed Prof Maxamed Cismaan Jawaari  oo maanta ka hadlayay furitaanta kalfadhiga 3aad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa xukuumadda federaalka ka codsaday inay dardar geliso ballan qaadyo dhowr ah oo ay soo jeediyeen kal fadhigii kan ka horreeyay.

Mudane; Jawaari ayaa sheegay in muddada yar ee ay haystaan inta lagu gudo jira kalfadhigaan ay isku dayi doonaan , dib u dejinta dastuurka, habaynta hay’adaha difaaca dalka, sal u dhigidda fadaraalaynta dalka, Dimuqaraadiyeynta Soomaaliya, ka go’aan gaaridda maqaamka magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa si weyn ugu nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in siyaasadda difaaca Dalka iyo hay’adaha ku shaqada leh wax laga beddelo maaddaama aysan xilligani la jaan qaadi karin shuruucdii ka degsanayd muddadii u dhexeysay 1960 illaa 1972.

Wuxuu guddoomiye Jawaari ammaan ballaaRan usoo jeediyay Baarlamanka 10 aad oo uu ku tilmaamay inay ka shaqa badan yihiin kii 9aad 42%, wuxuuna intaa raaciyay inay meel mariyeen muddadii yarayd ee ay shaqaynayeen 33 go’aan, halka Baarlamankii kan ka horreeyayna ay meel mariyeen 14 oo keliya.

Prof: Jawaari ayaa dul istaagay wax qabadkii xukuumadda oo ay ka mid yihiin soo deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnayd dalal shisheeye, hir gelinta xarumo Dowladeed oo aad u fara badan, goobahaas  oo ay booqasho ku tageen xubnaha Labada Aqal ee Baarlamanka.

Dhismaha garsoor madax bannaan oo uu shacabku ku kalsoonaan karo, ayuu sheegay guddoomiye Jawaari inuu udub dhexaad u yahay hannaanka dowladnimada , isla markaana loo baahan yahay in dib eegis lagu sameeyo Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay sidoo kale in shuruucda haatan loo maro nabadaynta dadka loo baahan yahay in dib u sixid lagu sameeyo , maddaama uusan xilligan dalka ka shaqayn karin qodobka ka degsan dib u heshiisiinta wadciga jira awgii.

Safarkii uu Madaxweynaha ku tagay qaybo ka mid Gobollada dalka ayuu guddoomiyhu ku sheegay guul Taariikhi ah oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu Safarkiisu qayb ka ahaa dib u heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa ugu dambayntii ka codsaday ra’iisal wasaare Kheyre iyo guddiyada u xilsaaran dib u heshiisiinta iyo dib u eegista Dastuurka in ay dardar geliyaan soo gudbinta Ajandayaashaas, si uu Baarlamanku ugu doodo una meel mariyo, isagoo codsaday in lagu dhaqaaqo ballan qaadyadii ay hore u samaysay xukuumadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]