4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
Talaalka Cudurka Jadeecada oo ka bilaawday gobolka Sool

 

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) – Koox Caafimaad ayaa u dhaqaaqa Guud agaan gobolka Sool si ay is-bedel ugu sameeyaan xanuunka Jadeecada oo waxyeelo badan ku haya guud ahaan gobolka.

Tiimamkan oo ka Anna baxay magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo dhamaantood ka hadlay waxyeelada uu xanuunka Jadeecadu ku hayo bulshada haba u daraado dadka reer guuraaga ah iyo tuulooyinka ku nool.

Bille Xaaji Cali Isuduwaha W Caafimaadka oo halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu dheeraaday dardaaran ugu tilmaamay in aanay wahsan cidna dhaafin, si loo xakameeyo xawliga xanuunkan.

Talaalkan ayaa waxaa si wadajir ah uga qayb qaadanaya Wasaaradaha Caafimaadka, waxbarashada iyo Diinta iyo Awqaafta taas oo ka duwey talaaladii bore, waxaana la sheegay in diirada la saari doono ardayda dugsiyada iyo malcaamadaha.

Si kastaba ha ahaatee waxaa talaalkani u muuqdaa mid daaha ka feydaya rabitaanka bulshada ee aaminsanaanta talaalada oo haatan baahi weyn u qabaan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool.