Sabti, Maarso, 10, 2018
(HOL) - Mid ka mid ah dalalka Carbeed oo xubin firfircoon ku leh
Jaamacadda Carabta ayaa dhex dhexaadin doona dowladaha Soomaaliya iyo
Imaaraadka Carabta oo markii u horeysay muddo rubuc qarni uu mad-madow soo kala
dhex galay xiriirka labada dal u dhaxeeya.
Wararka laga helayo magaalada Qaahira ayaa sheegaya
in dowladda Sacuudi Carabiya ay dadaal ugu jirto sidii ay u kala dhex geli
laheyd Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa
xaqiijinaya in dowladda Sacuudiga ay labada dhinac dalab u dirtay, si wada
hadal uga dhex furto.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan walaac ka muujisay faragelinta shisheeye ee
Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii Shirkadda DP World la gashay Somaliland ee ku
saabsanaa Dekeda Berbera.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise
Cawad ayaa hor-geeyay fadhigii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carbta
ay ku yeesheen magaalada Qaahira qaraar ku saabsan walaaca ay ka qabaan
heshiiska DP World iyo faragelinta lagu haayo Qaranimada Soomaaliya.
Wasiir Cawad ayaa sheegay in sidoo kale ay dowladda
Itoobiya arrinta heshiiska Dekeda Berbera kala hadleen, ayna ku wargeliyeen in
aanay raalli ka aheyn in meel looga dhaco Qaranimada Soomaaliya, isla markaana
ay garawsadeen warkooda, dibna u eegi doonaan.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxay xiisada
siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ka dhashay
heshiiskii Saddex geesoodka ee Dekeda Berbera,
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]