3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
kalfadhiga 3-aad ee Labada Aqal ee Soomaaliya oo maanta furmaya

 

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo kalfadhiga 3-aad Labada Aqal ee Soomaliya.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wakiilo ka socda Beesha Caalamka, Marti sharaf iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbadda furitaanka ee dastuuriga ka jeedin doona munaasabadda Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka labada Aqal.

Khubadda madaxweynaha oo siweyn loo wada sugayo ayaa la filayaa in uu ku soo hadal qaado xaalada dalka Soomaaliya iyo khilaafkii ugu danbeeyay soo kala dhaxgalay dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka ee ka dhashay heshiiskii dekedda Berbera.

Munaasabadda maanta ayaa noqon doonta mid furitaan kaliya, oo ay khudbado ka jeedinayaan Madaxweynaha iyo Guddoonka Labada Aqal.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalmo ka hor si wadajir ah ugu dhawaaqay in kalfadhiga 3aad uu furmayo 10-ka bishan oo ku beegan maanta oo Sabti ah, iyadoo loo saaray Guddi Xildhibaano labada dhinac ah oo ka shaqeeya munaasabadda furitaanka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo qaban qaabada Munaasabadda Furitaanka si aad ah looga dareemayo magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/10/2018 2:02 PM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) – Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa kaga hadlay dar-dargelinta arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha dalka iyo sidii loo midayn lahaa,iyagoo maanta si gaar ah uga wada hadlay kana heshiiyay mideynta casnhuuraha gadista.

3/10/2018 9:15 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Jawaari oo maanta ka hadlayay furitaanta kalfadhiga 3aad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa xukuumadda federaalka ka codsaday inay dardar geliso ballan qaadyo dhowr ah oo ay soo jeediyeen kal fadhigii kan ka horreeyay.

3/10/2018 9:03 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Koox Caafimaad ayaa u dhaqaaqa Guud agaan gobolka Sool si ay is-bedel ugu sameeyaan xanuunka Jadeecada oo waxyeelo badan ku haya guud ahaan gobolka.

3/10/2018 7:51 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaankii Kalfadhiggii saddexaad ee labada Aqal ee Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah, isaga oo digniin u diray dowladdaha iyo Shikaddaha Shisheeye.

3/10/2018 7:26 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Xukuumada Somaliland ayaaa sheegtay inay hakisay wada hadalkii la filayey in bishan ka bilaabmaan wadanka Jabuuti oo qorshuhu ahaa in labadda madaxweyne ku kulmaan wadankaasi.

3/10/2018 6:38 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Maamulka degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa gabi ahaanba xiray xadka uu la wadaago Soomaaliya gaar ahaan dhinaca degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

3/10/2018 5:57 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) -Degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka J/hoose ayaa laga soo sheegayaa xaalado biyo la’aaneed oo saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.

3/10/2018 3:32 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Mid ka mid ah dalalka Carbeed oo xubin firfircoon ku leh Jaamacadda Carabta ayaa dhex dhexaadin doona dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo markii u horeysay muddo rubuc qarni uu mad-madow soo kala dhex galay xiriirka labada dal u dhaxeeya.

3/10/2018 1:16 AM EST
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo maal-mahaan wadatashiyo ku aadan sidii loo abbuuri lahaa wacyi-galin guud oo ku aadan suura galnimada u diyaar garowga qabashada geedi socodka qof Iyo Cod

3/10/2018 1:12 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)-Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerradda IFO ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sameeyeen dibadbax ballaaran oo ay kaga soo horjeeddaan Hay’adda UNHCR.

3/10/2018 1:02 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)-Warka ku saabsan kulanka labada hogaamiye ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya oo ah mid hadal heyn weyn ka dhalisay dunida inteeda kale, ayaa waxaa soo baxaya in Mareykanku sharuud ku xirayo qabsoomida wada hadalladaas.

3/10/2018 12:52 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay la wareegay deegaanka Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar.

3/10/2018 12:44 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa dekedda Berbera, kaa oo muran iyo khilaaf cusub ka dhax abuuray dowladda iyo shirkadda laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ee DP World.