4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
Qaxooti Soomaaliyeed oo dibadbax ka dhigay xerada IFO ee dalka Kenya

 

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerradda IFO ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sameeyeen dibadbax ballaaran oo ay kaga soo horjeeddaan Hay’adda UNHCR.

Qaxootigan ayaa sheegaya in lagu haayo dhibaato weyn oo ah in la doonaayo in laga raro meelaha ay degan yihiin ama ay ku nool yihiin.

Waxaa ay sheegeen in aysan haysanin meelo ay u guuraan xilligaan, islamarkaana ay doonayaan in wax laga qabto dhibaatada ay kala kulmayaan Hay’addaasi iyo sidoo kale dowladda Kenya.

Banaabax ayay kaga dhigeen banaanka hore ee xarunta Hay’adda UNHCR, Waxaana ay sheegeen in aysan doonin in la raro.

Dhawaan ayay aheyd markii hay’adda UNHCR ay sheegtay in la xiro doono xeryahaasi Maadaama uu yaraaday dhaqaalihii loogu tala galay xeryaha Qaxootiga dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]