3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 10, 2018
Mareykanka oo sharuud ku xiraya wadahadallada Waqooyiga Kuuriya

 

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) -Warka ku saabsan kulanka labada hogaamiye ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya oo ah mid hadal heyn weyn ka dhalisay dunida inteeda kale, ayaa waxaa soo baxaya in Mareykanku sharuud ku xirayo qabsoomida wada hadalladaas.

Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa sheegay in go’aanka Kuuriyada Waqooyi ee ku aadan in hogaamiyahooda uu la kulmo madaxwayne Donald Trump ayaa heegay in Mareykanka ay sii wadi doonaan cadaadiska lagu hayo Pyongyang ilaa laga hirgalinayo hadafka ah in ay ka tala-baxdo barnaamijkeeda hubka Niyukleerka.

Dhinaca kale Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin waqti iyo goob cayiman oo loo asteeyay inay ka dhacaan wadahadalada la sheegay inay dhexmari doonaan madaxweyne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Afhayeenka aqalka cad ee dalka Mareykanka, Sarah Sanders, ayaa sidoo kale ku gacan seyrtay in madaxweyne Trump uu aqbalay casuumaada ay fidisay xukuumadda Pyongyang shuruud la’aan.

Mar sii horeysay Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Heshiis lala gaaro Kuuriya Wuqooyi uu yahay mid muhim ah.

Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay inkastoo wada hadalladani yihiin kuwo loo riyaaqo, haddana dhinaca kale ee aan wali la hubin sida ay ku dhici karaan, madaama labada hogaamiye ee la filayo in ay isa soo hor fariistaan mid walba oo ka mid ah laga fili karo go’aan kii hore ka duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/10/2018 2:02 PM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) – Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa kaga hadlay dar-dargelinta arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha dalka iyo sidii loo midayn lahaa,iyagoo maanta si gaar ah uga wada hadlay kana heshiiyay mideynta casnhuuraha gadista.

3/10/2018 9:15 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Jawaari oo maanta ka hadlayay furitaanta kalfadhiga 3aad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa xukuumadda federaalka ka codsaday inay dardar geliso ballan qaadyo dhowr ah oo ay soo jeediyeen kal fadhigii kan ka horreeyay.

3/10/2018 9:03 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Koox Caafimaad ayaa u dhaqaaqa Guud agaan gobolka Sool si ay is-bedel ugu sameeyaan xanuunka Jadeecada oo waxyeelo badan ku haya guud ahaan gobolka.

3/10/2018 7:51 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaankii Kalfadhiggii saddexaad ee labada Aqal ee Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah, isaga oo digniin u diray dowladdaha iyo Shikaddaha Shisheeye.

3/10/2018 7:26 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Xukuumada Somaliland ayaaa sheegtay inay hakisay wada hadalkii la filayey in bishan ka bilaabmaan wadanka Jabuuti oo qorshuhu ahaa in labadda madaxweyne ku kulmaan wadankaasi.

3/10/2018 6:38 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)–Maamulka degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa gabi ahaanba xiray xadka uu la wadaago Soomaaliya gaar ahaan dhinaca degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

3/10/2018 5:57 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) -Degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka J/hoose ayaa laga soo sheegayaa xaalado biyo la’aaneed oo saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.

3/10/2018 3:32 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Mid ka mid ah dalalka Carbeed oo xubin firfircoon ku leh Jaamacadda Carabta ayaa dhex dhexaadin doona dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo markii u horeysay muddo rubuc qarni uu mad-madow soo kala dhex galay xiriirka labada dal u dhaxeeya.

3/10/2018 1:20 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)-Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo kalfadhiga 3-aad Labada Aqal ee Soomaliya.

3/10/2018 1:16 AM EST
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo maal-mahaan wadatashiyo ku aadan sidii loo abbuuri lahaa wacyi-galin guud oo ku aadan suura galnimada u diyaar garowga qabashada geedi socodka qof Iyo Cod

3/10/2018 1:12 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)-Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerradda IFO ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sameeyeen dibadbax ballaaran oo ay kaga soo horjeeddaan Hay’adda UNHCR.

3/10/2018 12:52 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay la wareegay deegaanka Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar.

3/10/2018 12:44 AM EST
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa dekedda Berbera, kaa oo muran iyo khilaaf cusub ka dhax abuuray dowladda iyo shirkadda laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ee DP World.