Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Wararka
naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda
Soomaaliya ayaa saakay la wareegay deegaanka Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka
Galbeed ka xiga magaalada Jowhar.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegy in ciidamada saakay gudaha u galay deegaankaas,
kaddib markii ay isaga baxeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka, iyadoo qeybaha kala duwan
deegaankaas lagu arkayo ciidamo uu wajiga u xiran yahay.
Al-Shabaab ayaa ku lahaa deegaanka Gamboole saldhig iyo Maxkamad, waxaana
halkaas looga yeeri jiray dadka isku heysta dacwadaha iyo sidoo kale
Ganacsatada oo looga qaadayay lacagaha loogu yeero Zakawaadka.
Waxaa lagu waday in maanta deegaanka Gamboole ku kulmaan Ganacsatada Jowhar
iyo Al-Shabaab oo la sheegay inay ku soo rogeen inay bixiyaan lacago canshuuro
ah oo laga qaadayo shixnadaha ganacsi ee ay kala yimaadaan magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda Lama oga in ciidamada ay ku sugnaanayaan deegaanka Gamboole
iyo in kale, waxaana dhowr jeer jiray deegaano ay ciidamada dowladda qabsadeen oo
ay dib isaga soo baxeen
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]