Wasiir Cawad “ Ma jiro heshiis sharci noqonaya haddii aysan ka war-qabin dowladda Soomaaliya
Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo
Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay
heshiiskii saddex geesoodka ahaa dekedda Berbera, kaa oo muran iyo khilaaf
cusub ka dhax abuuray dowladda iyo shirkadda laga leeyahay dalka Iskutaga
Imaaraadka Carabta ee DP World.
Wasiirka Arrimaha dibedda ayaa sheegay inaanu jirin
heshiis ansax noqonaya oo lagu galo dhulka Soomaaliya, kaasi oo aanay waxba ka ogeyn dowladda federaalka Soomaaliya, ansixintiisana aysan soo marin Baarlamaanka.
Wasiir Cawad ayaa Imaaraadka kaga digay in ay isku dayaan
in ay faragelin ku sameeyaan Madax banaanida Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay
heshiiskaasi inuu yahay mid aanay waxba ka jirin.
“Somaliland waa dad walaalaheena ah waxaa ay ka mid yihiin
ummadda Soomaaliyeed, horumarkooda waan jecel nahay, Imaaraadka qaabka ay
udhaqmeen ma ahan wax wanaagsan, dacwad ayaana ka gudbinay” ayuu yiri Wasiirka
oo la hadlay BBC-da.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in Jaamacada Carabta ay isku raceen in midnimada Umadda Soomaaliyeed tahay mid aan la dhaafi karin oo aan la dafiri karin, islamarkaana aduunka iyo Carabtuba ay qirayaan, islamarkaana tahay in la ixtiraamo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkan fadhiga
Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Qaahira ku gudbisay dacawad ka
dhan ah Imaaraadka, waxaana Goluhu ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in ay
muqadas tahay madax banaanida Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]