4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2018
Itoobiya oo 19% ku yeelaneysa saamiga dekedda Berbera oo ay maamusho shirkadda DP World ee Imaaraadka

 

Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) –Dowladda Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ku yeelato 19% guud ahaan marka la eego saamiga dekedda Berbera kaddib heshiis ay kala saxiixdeen Khamiistii maanta mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, Soomaaliland iyo shirkadda DP World.

Heshiiska ayaa dhigaya in shirkadda DP World leedahay saami dhan 51% halka Maamul goboleedka Somaliland uu ku leeyahay 30% halka inta soo hartay oo gaareysa %19 ay leedahay dowlada Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa waxaa ay maal-gelin ku sameyn doontaa wadooyinka gudaha waxaana dhismaha dekeda ay bilaaban doontaa dhamaadka sanadkan.

Heshiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibada iyo xiriirka caalamka Dr Sacad Cali Shire halka dowlada Ethiopia uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Ethiopia Axmed Shide iyadoo shirkadda DP world uu u saxiixay Sultan Axmed Bin Salayman Madaxa Shirkadda DP World.

Heshiiska dekeda Berbera ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo dowlada Jabuuti ay ka laabatay heshiis ay shirkadda DP WORLD ku dhiseysay dekeda Dooraale ee dalkeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]