4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2018
Madaxweynaha Khaatumo ayaa soo gaarey Magaalada Laascaanood

 

Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood kadib markii uu ka soo laabtay safar uu mudo ugu maqnaa dalka debediisa.

Madaxweyne Galaydh oo ay ku soo dhoweeyeen duleedka Laascaanood halka lagu magcaabo Xargegga waxgarad, Dadweyne iyo qaar ka mid ah maamulkii Khaatumo.

Qaar ka mid ah waxgaradkan ayaa Prof. Galeyr socdaalkiisa ka hadlay sheegayna in ay sugayeen isla markaana uu u maqnaa, diyaarna ay u yihiin.

Galayr oo soodhoweyntiisa ka hadlay ayaa u mahad celiyey dadkii kaga hortegey Xargegga uga mahad celiyey soo dhoweyntiisa ayaa waxa uu sheegay in uu ugu warami doono fadhi ka balaadhan halkan la joogo.

"Waxaan moodi jireyin boholaha Xargegga ay dhaadheeryihiin waxaase lay sheegay in halkani ay meel hoose tahay dhulka dhaadheerina ay sareeyaan.waxaan maqli jirey Hoh iyo boholaha Xargegga, nin duulaayay dabraan, nin xiimaayay xidhaan, hadana waxaan leeyahay mala siyaasada Khaatumo ayaa saas ah, nin walowba saad doonto u fasiro" ayuu yidhi Prof, Galaydh oo ka cudur daartay inuu war intaas ka badan halkaas ku bixiyo.

Safarkan Cali Khaliif Galaydh uu ayaa la sheegayaa in uu ku wajahan yahay degaanka Xidhxidh ee galbeedka D. Laascaanood oo dhowaan la filayo in uu beeshiisa shir uga furmo, shirkaas oo sida xanshashaqu sheegayo in uu siyaasadiisa ka dhan yahay.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool