9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 1 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay magaalada Kampala ee dalka Uganda

 

Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono shir ku saabsan istaraatiijiyadda xoojinta ciidamada Soomaaliya.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab, tayeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.

Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb gelaya shirkan, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u hor dhigo doono qorshe Soomaaliyeed oo ku qotoma ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyey kormeer ku tagay xarumaha Gaashaandhigga, Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa kala hadli doona Beesha caalamka in ay kala shaqeeyaan hir gelinta istaraatiijiyaddan, maadama ay ka tarjumeyso rabitaanka dhabta ah ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mursal Maxamed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qeyb galaya shirka ayaa yiri “Shirkan waa mid muhiimad gaar ah u leh qorsheyaasha la xiriira dib u dhiska ciidanka, iyadoona DFS ay u gudbineyso Madaxda shirkan qorshe cad oo ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda difaaca dalkooda, taas oo Madaxweynuhu ka codsan doono in ay ku taageeraan.”

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, iyadoona uu kala hadli doono sidii ay u dardar gelin lahaayeen taageerada ay ku siiyaan DFS dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab .

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb gelaya Shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mursal Maxamed Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod, La-teliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Qaranka iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].













Click here
3/1/2018 3:43 PM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) –Dowladda Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ku yeelato 19% guud ahaan marka la eego saamiga dekedda Berbera kaddib heshiis ay kala saxiixdeen Khamiistii maanta mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, Soomaaliland iyo shirkadda DP World.

3/1/2018 1:20 PM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood kadib markii uu ka soo laabtay safar uu mudo ugu maqnaa dalka debediisa.

3/1/2018 7:54 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) – Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay Hiiraan Online ayaa faah faahin ka bixiyay Hoobiyayaal lagu soo tuuray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duulleedka magaalada Muqdisho.

3/1/2018 6:22 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya deegaanka Siinka Dheer ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in goor dhaw uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah.

3/1/2018 2:28 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)– Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda uu ka furmo shir looga hadli doono xaalada Soomaaliya.

3/1/2018 2:15 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shalay booqday taalada loo dhisay halgamayaashii shuhadada ee Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.

3/1/2018 1:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) –Shirkadda TransferGalaxy ee laga leeyahay wadanka Sweden ayaa ka warbixiyey adeegyadda ay bixiyaan iyo sida ay usii kordhiso maalgashiga ay caalamka ka helayaan.

3/1/2018 12:48 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)- Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo ku Sugnaa Barkontorool oo ku taalla waddada shaqaalaha ayaa xalay si bareer cad ah u toogtay Wiil Mooto Bajaajle ah, kadib markii uu dhexmaray muran afka ah.

3/1/2018 12:34 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Caasimadda Cabdirixmaan Cumar Cusmaan Yarisoow ayaa sheegay in olalihii nadaafadeed ee ugu ballaarnaa laga sameyn doono magaalada Muqdisho.

3/1/2018 12:23 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) - Danjire Francisco Madeira Wakiilka gaarka ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ugu mahad ciliyay Dowladda Mareykanka qalab shalay ay gudoonsiiyeen, qalabkaas oo ciidamada AMISOM ka caawin doono sahanka iyo arimo kale.

3/1/2018 12:13 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)-Dowlada Somalia ayaa sheegtey in xaalad adag oo biyo yari ah ay ka jirto magaalooyinka qaarkood iyo dhulka baadiyaha ah, ayna ku talo jirto mustaqbalka dhow in dadka qaarkood loo sameeyo biyo dhaamin iyo ceelal qodis si looga hortago dhibaato ka dhalankarto biyo la’aan.