4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 1 , 2018
Hoobiyayaal dad ku dhaawacmeen oo ku dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) – Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay Hiiraan Online ayaa faah faahin ka bixiyay Hoobiyayaal lagu soo tuuray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duulleedka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in labo Hoobiye oo ay soo tuureen sida uu hadalka u dhiggay Al-shabaab mid ka mid ah oo ku dhacay Xaafadda Baar-Ayaan uu sababay dhaawaca ilaa Shan ruux kaddib markii uu ku dhacay gurigii ay ku jireen, halka kan kalana  uu meel cidlo ah ku dhacay wax khasaare ahna sababin.

Afhayeenka oo dhinaca kale faah faahin ka bixiyay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dulleedka Muqdisho ayaa sheegay in gaari yar oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa uu weerar ismiidaamin ah ka geystay deegaanka Siinka Dheer, gaar ahaan Barkoontarool oo ay ciidamadu ku sugnaayeen.

Weerarkaasi ayuu sheegay in uu sababay dhimashada Askari ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay qofkii Ismiidaaminta geystay.

Dhinaca waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM deegaanka Carbiska ku soo bandhiggeen hub iyo walxaha qarxa oo laga soo qabtay sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].