
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) – Wararka
ka imanaya deegaanka Siinka Dheer ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay
in goor dhaw uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah.
Wararka ayaa sheegaya in gaari kuwa yar loo adeegsaday weerarka is qarxinta,
iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.
Dad ku sugan goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in gaari
yar oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu gudaha u galay goob lagu diiwaan
geliyo gaadiidka soo galaya Muqdisho oo ciidamada ammaanka ku sugnaayeen.
Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ku shaaciyay in weerar ismiidaamin ah ay
la beegsadeen koontarool ciidamada Nabad-sugida ku sugnaayeen, iyaga oo sheegtay in ay ku dileen in ka badan 10 Askari oo ka tirsan Nabad-sugida.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo la xiriira Qaraxa Ismiidaaminta ah ee ka dhacay dulleedka Muqdisho.
Qaraxan ayaa imanaya iyadoo laamaha Amniga dowladda Soomaaliya sheegeen in
ay ka foojigan yihiin weeraro is qarxin ah oo ay qaadaan Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].