4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 1 , 2018
Shir looga hadlayo xaalada Soomaaliya oo maalinta berri ah ka furmaya magaalada Kampala

 

Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) – Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda uu ka furmo shir looga hadli doono xaalada Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda ayaa lagu sheegay in Shirka ay isugu imaanaya madaxda dowladaha ay ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Madaxweynaha  dalka Uganda Yoweri Museveni,ayaa marti-gelindoona shirka oo berri ka furmaya Kampala, waxaana la filayaa iney ka qeyb-galaan madax heerkeedu sareeyo,sida Wakiilo ka socda Guddiga Midowga Africa,Xubno ka socda Qaramada Midoobay,Midowga Yurub,Xubno ka kala socda Gobolka iyo Ururro caalami ah iyo Wakiilo metalaya Shanta xubin ee joogtada ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Shirka ayaa inta uu socdo diirada lagu saari doono qaab gunaanadka shirkii bishii September ee sanadkii 2017-dii lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareynkanka,waxaana shirka New York uu ahaa mid la isku aragti dhaafsanayay xaaladda Soomaaliya, Mustaqbalka Ciidamada Midowga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM iyo waliba hanaanka Kumeel gaarka ah ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya kala wareegi karaan amaanka guud ahaan dalka Ciidamada AMISOM.

Shirka 2-bisha March maalinta berri ah ka furmaya agaalada Kampala ayaa abuuri kara fursad ah in si qoto dheer looga wada xaajoodo Marxaladda Soomaaliya,doorka dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya,joogteynta habka ugu haboon ee maalgelinta AMISOM iyo Waxqabadka xaaladda kala guurka ee AMISOM.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa loo diyaarinayaa sidii mas’uuliyadda amaanka dalka ugala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM oo mudo sanado ah jooga,kuwaasi oo ciidamada xoogga dalka ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Ururrada Argagixisada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].