4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 1 , 2018
Shirkadda TransferGalaxy oo Dhallinyaro Soomaali ah samaysay oo ka warbixiyey muddadii ay jirtay

 

Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) -Shirkadda TransferGalaxy ee laga leeyahay wadanka Sweden ayaa ka warbixiyey adeegyadda ay bixiyaan iyo sida ay usii kordhiso maalgashiga ay caalamka ka helayaan.

shirkadan TransferGalaxy oo ah dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa sheegay inay haleen maalgashi malaayiin doolar ah oo ka yimid shirkadda maalgashiga Alfvén & Didrikson iyo Mulkiilayaasha BackingMinds oo shirkadan maalgaliyey.

Sida uu warbaahinta u sheegay isku-dubaridaha iyo madaxa shirkada Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in shirkadda la aasaasay sannadka 2014 oo saldhiggeeduna yahay Vivalla oo 200 km galbeedka Stockholm kaga beegan.

Yuusuf ayaa sheegay in shirkadda  TransferGalaxy samaysay qaab degdeg ah oo  amaan ah oo qiimo jaban ah oo loogu talagalay in si qiimo jaban ah loogu diro lacagaha si loogu gaadhsiiyo dadka aan lahayn akoonada bankiyada.

Qofka qaataha ah ayaa maaliyaddooda ku hela Mobilekada gacanta, marka la barbar dhigo isticmaalka qaababka xawilaadihii hore ee lacagaha TransferGalaxy waxay ka dhigtay nidaam fudud.

Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in shirkadda ku aasaaseen dhalinyaro SOomaaliyeed oo kala ah Yuusuf Maxamed, Khaalid Qassim , Cali Maxamed, Mustafe ibraahim iyo Cabdiraxman Axmed, kuwaas oo dhammaantood lacag u dira xubno ka mid ah qoysaskooda, waxay xaqiiqsadeen fursaddaha, kadib waxay aasaaseen TransferGalaxy.

"Horaantii, shirkadaha sida Western Union waxay haysten suuqa. Macaamiisha waxaa lagu qasbay in ay bixiyaan khidmad aad u sarreeya ayna u isticmaalaan siyaabo badan oo aan amaan ahyn. TransferGalaxy, isticmaalayaashu waxay u soo diri karaan lacag fudud oo dhakhso badan, iyagoo bixinaya lacag ka yar sidii hore, laakiin sidoo kale waqti ka yar iyo kharash ka yar Shirkadaha kale”ayuu yidhi Yuusuf Maxamed.

Mar kale isagoo sharaxaya shirkaddan waxa uu intaas ku daray “Xawaaladaha - lacag u dirista aduunyada- waxay caddadkoodu dhan tahay 605 bilyan oo doolar caalamka oo dhan sannadkii 2016. Marka la barbardhigo shirkadaha sida TransferWise ama PayPal, TransferGalaxy waxay bartilmaameed u tahay ilaa 2 bilyan oo qaan-gaar ah oo adduunyada kala jooga, kuwaas oo sii kordhaya ku tiirsanaanta kaabayaasha moobiilka lacag bixinta. Lacagta moobaylku waa hab iyo nimaad sii kordhaya oo adduunka oo dhan ah, waxaana qayb ahaan ka mid ah korodhka internetka iyo isticmaalka moobileka, laakiin sidoo kale xasilloonida nidaamyada dhaqaale ee dalalka qaarkood. Tusaale ahaan Soomaaliya, dalka ay kasoo jeedan aasaasayaasha, 73% dadka qaangaarka ah ayaa isticmaalaya lacagta mobile, dhanka kale 15% dadweynaha ayaa haysta akoonada bankiyada. Lacagta moobaylku waxay u sahlaysaa kala iibsiga iyo korarka dhaqaalaha. Korodhka lacagta mobile-ka ayaa u saamaxday TransferGalaxy inay si degdeg ah u kordhiso oo ay ka faa'iidaystaan dadka ku nool wadamo badan oo aduunka oo dhan ah. Sannadkii 2017, shirkaddu waxay xaqiijisay rukhsadda EEA-da oo ay bixiso hay’ad lacag bixisnta, taas oo u saamaxday shirkadda in lacag laga diri karo dhammaan Wadamada Yurub.”

Maalgashigan ayaa loo isticmaali doonaa in lagu dedejiyo ballaadhinta shirkadda dhanka Yurub. TransferGalaxy horeba waxay ka shaqayn jirtay 25 dal oo Europe ah, shirkaddu waxay kordhin doontaa labadaba dhinac ee Offline iyo Online iyadoo sii ballaadhinaya xoojinayana sugnaanta iyo habsami u socodka adeega.

“Shirkadan waxay u tahay hormuud ama hiigsi dhalinyarada Geeska Africa gaar ahaan Soomaalida, waxayna tusinaysa in qofku wixi uu ku hamiyo uu gaari karo, waxanan balan qadanayna dhalinyarada wadanka inan arimo badan kala shaqayno, haday noqoto dhanka dhaqaalaha, tabo barada iyo waxbarashada.”ayuu yidhi Yuusuf. 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland