9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 1 , 2018
Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay Darawal Gaari Bajaaj

 

Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) - Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo ku Sugnaa Barkontorool oo ku taalla waddada shaqaalaha ayaa xalay si bareer cad ah u toogtay Wiil Mooto Bajaajle ah, kadib markii uu dhexmaray muran afka ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in darawalka rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, markii danbena uu uu dhaawacii soo gaaray ugu geeriyooday isbitaalka Daarushifa.

Dhalinyaro Mooto Bajaajlayaal ah oo falkan ka jawaabayay ayaa Banaanbax ka dhigay wadada Maka Al-mukarama, taasi oo keentay in Askariga gacanta lagu soo dhigo, laguna xiro saldhiga degmada Waaberi.

Intaasi kaddib dhalinyaradii oo aanan ku qanacsaneyn in Asariga uu ku xirnaado saldhiga degmada ayaa dalbaday in la geeyo xarunta dambi baarista ee CID-da, ugu dambeyna Hay’adaha ammaanka ayaa aqbalay codsiga, halkaasi oo hada lagu baarayo Askariga.

Dhinaca kale subaxnimadii hore ee saakay kooxo hubeysan ayaa ku dilay degmada Hilliwaa wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu soo kooay Cumar oo sida la sheegay ka mid ahaa dhalinyarada degmada.

Kooxdii toogashada geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halka uu dilka ka dhacay tagey ciidamo ka tirsan dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].













Click here
3/1/2018 3:43 PM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) –Dowladda Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ku yeelato 19% guud ahaan marka la eego saamiga dekedda Berbera kaddib heshiis ay kala saxiixdeen Khamiistii maanta mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, Soomaaliland iyo shirkadda DP World.

3/1/2018 1:20 PM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood kadib markii uu ka soo laabtay safar uu mudo ugu maqnaa dalka debediisa.

3/1/2018 10:15 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono shir ku saabsan istaraatiijiyadda xoojinta Ciidanka Soomaaliya.

3/1/2018 7:54 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) – Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay Hiiraan Online ayaa faah faahin ka bixiyay Hoobiyayaal lagu soo tuuray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duulleedka magaalada Muqdisho.

3/1/2018 6:22 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya deegaanka Siinka Dheer ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in goor dhaw uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah.

3/1/2018 2:28 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)– Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda uu ka furmo shir looga hadli doono xaalada Soomaaliya.

3/1/2018 2:15 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shalay booqday taalada loo dhisay halgamayaashii shuhadada ee Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.

3/1/2018 1:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) –Shirkadda TransferGalaxy ee laga leeyahay wadanka Sweden ayaa ka warbixiyey adeegyadda ay bixiyaan iyo sida ay usii kordhiso maalgashiga ay caalamka ka helayaan.

3/1/2018 12:34 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Caasimadda Cabdirixmaan Cumar Cusmaan Yarisoow ayaa sheegay in olalihii nadaafadeed ee ugu ballaarnaa laga sameyn doono magaalada Muqdisho.

3/1/2018 12:23 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL) - Danjire Francisco Madeira Wakiilka gaarka ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ugu mahad ciliyay Dowladda Mareykanka qalab shalay ay gudoonsiiyeen, qalabkaas oo ciidamada AMISOM ka caawin doono sahanka iyo arimo kale.

3/1/2018 12:13 AM EST
Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)-Dowlada Somalia ayaa sheegtey in xaalad adag oo biyo yari ah ay ka jirto magaalooyinka qaarkood iyo dhulka baadiyaha ah, ayna ku talo jirto mustaqbalka dhow in dadka qaarkood loo sameeyo biyo dhaamin iyo ceelal qodis si looga hortago dhibaato ka dhalankarto biyo la’aan.