4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 1 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xaalad biyo la’aaneed oo adag ay ka jirto qeybo ka mid ah dalka

 

Khamiis, Maarso, 01, 2018 (HOL)-Dowlada Soomaalia ayaa sheegtey in xaalad adag oo biyo yari ah ay ka jirto magaalooyinka qaarkood iyo dhulka baadiyaha ah, ayna ku talo jirto mustaqbalka dhow in dadka qaarkood loo sameeyo biyo dhaamin iyo ceelal qodis si looga hortago dhibaato ka dhalankarto biyo la’aan.

Wasiirka Khayraadka iyo biyaha Somalia Saalim Caliyow Ibrow ayaa u joogo magaalada Washington shirka sanadlaha ah ee arrimaha tamarta dalalka Africa ( Power in Africa)

Wasiirka oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Wasaaraddu wado qiimeyn ku saabsan dhulalka ay biyaha ku badan yihiin, kadibna halkaasi ay ka qodaan ceelal, si ay uga faa’ideystaan dadka ay Biyo yarida heyso.

Saalim Caliyow Ibroow ayaa ugu baaqay hay’addaha ka shaqeeya arrimaha samafalka ee ka hawlgala Soomaaliya in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la’aanta ee ka jira dalka.

Waxaa lagu tala jiraa mustaqbalka dhow in dadka qaarkood loo sameeyo biyo dhaamin iyo ceelal qodis, maadaama magaalooyin waa weyn oo ay ka mid tahay Baydhabo xilligan ay ka jiraan Biyo yari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].