4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2018
Dowladda oo soo bandhigtay nashqada lacagta cusub ee la soo daabacayo

 

Sabti, June, 09, 2018 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay Nashqada cusub ee lacagta shilin Soomaaliga ah ee qorshuhu yahay in la soo daabaco.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u soo bandhigay nooca lacagta cusub ee dowladdu qorshuhu yahay in ay soo daabacdo.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in lacagtan aan la daabacan karin, isla markaana waa lacag dahabi ah oo ay muuqaalo kala duwan ka muuqdaan. 

Lacagtan ayaa isugu jirta 10,000 iyo 5,000 waxaa la sheegayaa inay jirto tirooyin kale oo ay yeelan doonto.

Taallabadan uu qorshuhu yahay in ay qaado ah ayaa dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore waxaa ku guul dareystay dowladdihii ka horeeyay oo isku dayay in ay soo daabacaan lacag shilin Soomaali ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]