4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2018
Saraakiil Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka Turkiga

 

Sabti, June, 09, 2018 (HOL)–Saraakiil Dhalinyaro Soomaali ah ayaa tababar loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga, halkaasoo muddo ku baranayeen casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kala duwan ee ciidamada leeyihiin.

Dhalinyarada Soomaalida oo gaaray 63 sarkaal ayaa loo tababaray qeybaha kala duwan ee ciidamada, waxaana ay tababar la qaadanayeen Saraakiil ka socotay NATO, saraakiil ka socday Afrika iyo Aasiya.

G/lle Maxamed Tahliil ayaa ka warbixiyay tababarka ay ku soo qaateen Turkiga, isagoo xusay in la barayay kulyadda ciidanimada, isagoo xusay in illaa 36 dowladood saraakiil ka socota ay tababaro la qaadanayeen.

Saraakiisha dhalinyarada ayaa markii loo soo gaba gabeeyay Tababarka waxaa la siiyay bilado iyo abaal marino ay ku muteysteen dhabar adeeggii ay muujiyeen mudadii uu tababarka u socday.

Dowladda Turkiga ayaa ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana xilligan uu ka qeyb qaadanayaa dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka, iyadoo Xero Milateri uu ku leeyahay Muqdisho ku tababarayo ciidamo Soomaali ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]