3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2018
Al-shabaab oo dilay Askari Mareykan ah Afar kalana dhaawacay

 

Sabti, June, 09, 2018 (HOL) –Xooggag Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku dileel askari Maraykan ah, sidoo kale waxaa weerarkaasi la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa Afar kale oo askari oo Mareykan ah.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in ciidamadan la bartilmaameedsaday wadeen howlgal ay ku gacan siinayaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda al Shabaab.

Gaar ahaan weerarkan ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn deegaanka Sanguuni ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhimashada Askarigan iyo dhaawaca Afarta kale waxaa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan milatariga Maraykanka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhowr qarax la beegsadeen ciidamada Soomaalida iyo Maraykanka ee wada socday kadibna ay rasaas xoog badan ku fureen.

Al-shabaab ayaa kordhiyay weeraradda ay qaadayaan tan iyo bilawga bisha Ramadaan iyaga oo sheegtay weerro badan oo xidhdiidh ah oo ka dhacay gobolo kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/9/2018 3:54 PM EST
Sabti, June, 09, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay Nashqada cusub ee lacagta shilin Soomaaliga ah ee qorshuhu yahay in la soo daabaco.

6/9/2018 1:23 PM EST
Sabti, June, 09, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faray Hey’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada oo maalmihii la soo dhaafay ay shacabka dhib ku qabeen, kaddib markii ay ciidamada xireen jidad dhowr ah.

6/9/2018 12:34 PM EST
Sabti, June, 09, 2018 (HOL)–Guddiga difaaca Puntland oo maanta mar kale shir jaraa'id ku qabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe ayaa ka jawaabay hadal dhawaan uu jeediyay guddoomiyaha xisbiga UCID ee Soomaaliland, Faysal Cali Waraabe.

6/9/2018 7:49 AM EST
Sabti, June, 09, 2018 (HOL)–Saraakiil Dhalinyaro Soomaali ah ayaa tababar loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga, halkaasoo muddo ku baranayeen casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kala duwan ee ciidamada leeyihiin.

6/9/2018 5:24 AM EST
Sabti, June, 09, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay wasaarada maaliyada bishii la soo dhaafay ee May.

6/9/2018 5:05 AM EST
Sabti, June, 09, 2018 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa ka digtay in caruur kor u dhaafaysa 1.25 Milyan oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an sanadkan, sababo la xiriira fatahaadihii ka dhacay Soomaaliya.

6/9/2018 2:38 AM EST
Sabti, June, 09, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dalka Mareynkanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka tacsiyeeynayo geerida Askari Mareykanka ah ah looga dilay Soomaaliya, kaddib weerar Al-shabaab ay ku qaadeen iyaga oo ku sugan deegaanka Sanguuni ee dalka Soomaaliya.

6/9/2018 1:54 AM EST
Sabti, June, 09, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed gacanta ku dhigeen Labo ruux oo sida ay saraakiishu sheegeen ka tirsanaa Al-shabaab.

6/9/2018 1:46 AM EST
Sabti, June, 09, 2018 (HOL)–Dadka ku nool gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan go’aankii dowladooda ee ku aadanaa in la dhaqangaliyo heshiiskii nabadda ee lagu soo afjaray dagaalkii xuduuda ee kala dhaxeya Eritrea.

6/9/2018 1:35 AM EST
Sabti, June, 09, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Baay ayaa sheegaya in rag hubeysan oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ku dileen Nin iyo Xaaskiisa.