4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2018
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shuruud ku xirey wadahadallada Soomaaliland

 

Jimco, June, 08, 2018 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) wuxuu beeniyay inuu wada hadal u socda Puntland iyo Soomaaliland, markii ay soo baxday in xubno ka mid ah beesha caalamka ay wadaan waan waan ku saabsan siddii loo qaboojin lahaa xiisada colaadeed ee u dhaxeysa.

Camey wuxuu shuruud ku xirey wada-hadal ay la-galaan Soomaaliland iyo xata haddii la isku dayo xabad joojin la dhex-dhigo.

“Waan maqlayay xabad joojin iyo waxyaabo laga hadlayay..Nin dalkaaga ku jira waxay ila tahay xabad joojin inaysan suragal ahayn marka aad ku noqoto goobta aad ka soo duushay 2007 bishii  October markaas ayaynu wadahadli karnaa.” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo inta ku daray “ Wali dhul baddan oo Puntland sheeganeyso ayaa dhinaca shishe ka xiga Oog illa iyo Libadda- gaatama Puntland-ba leh oo xukunta .. Haddaad dooneysan inan wadahadalno bal horta marka  ugu horreysa barti gulufka colaadeed aad ka soo qaadeen oo Oog ah dib ugu noqda.”

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland , wuxuu xaqiijiyay inaysan Puntland wadahadal diyaar u ahayn inta ay Soomaaliland joogto Laascaano, Gambaro iyo deegaannada ka sokeeya Oog. Wuxuu ku soo aadday hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland xilli ay wali isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ciidanka Puntland iyo kuwa Soomaaliland, dagaal khasaaro geystay ayaana dhowr mar ku dhex-marey, iyadoo aysan wali jirin wadahadallo la ogyahay oo labada dhinac lugu heshiisiinnayo.

Iman Jama