4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2018
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo shaqadii ka eryay taliye-yaashii ciidamada

 

Jimco, June, 08, 2018 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyay taliye-yaashii militariga iyo sirdoonka dalkaasi, isagoo kuwo cusubna magacaabay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa taliyaha ciidamada militariga u magacaabay Seare Mekonen, kaddib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii hore militariga, Samora Younous.

Ra’iisal wasaaraha ayaa shaqada ka eryay taliyihii sirdoonka, Getachew Assefa, isagoona Adem Mohammed u xushay in uu noqdo Taliyaha cusub ee Sirdoonka.

Taliye-yaasha cusub ayaa u shaqayn doono si ka duwan, sidii ay u shaqayn jireen labada nin ee shaqada laga eryay, iyadoo aanay dabagal ku samayn doonin shacabka iyo weliba dadka feker ahaan dhaliilsan siyaasadda dowladda.

Abiy Ahmed, ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waday is bedelo uu dowladda ku samaynayo, tallaabadii uu Khamiistii qaadayna waxaa ay qayb ka tahay dadaalada uu ku doonayo in is bedelada uu dalkiisa kaga hirgeliyo.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa bishii April loo caleemo saaray xilka, waxaana uu jegadaasi qabtay, xilli Itoobiya ay qarka u saarneyd burbur.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]