4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2018
Soomaliya iyo Jabuuti oo heshiis kala saxiixday

 

Jimco, June, 08, 2018 (HOL) - Wafdi uu hogaaminayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka intii uu socday ayaa la isla-gartay in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta ammaanka, hagaajinta xariirka arrimaha dibadda, ka faa’iideysiga kheyraadka iyo in Jabuuti ay Soomaaliya ka taageerto dhanka Isgaarsiinta.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dawladood, waxa uuna walaalaha Jabuuti ku bogaadiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay abaal ay u hayso dawladda Soomaaliya mar walba aan ka go’i doonin qalbiyada shacbiga Soomaaliyeed.

Kulanka labada mas’uul waxaa goob joog ahaa xubnaha wafdiga ra’iisul wasaare Khayre oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir dowlaha wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale, iyada oo dhanka Jabuuti ay uga qeyb galeen wasiirada wafaafinta iyo isgaarsiinta, gaashaadhingga iyo arrimaha dibadda.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa ayaa kulanka kaddib booqday xarunta Fiber optica ee dalka Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]